WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee  AMISOM ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda  dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan.

SOMALI NEWS

To Top