WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo kulan la qaatay Maamulaha ee Sanduuqa Caalamiga ee…

Ra’Iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada Alice Albright.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay hormumarinta mashaariicda Waxbarashada Soomaaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta Waxbarashada Soomaaliya ee shanta sano ee socota.

Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in kulanka ay kusoo bandhigeen horumarada laga gaaray dhinaca Waxbarashada dalka iyo dadaalada kale ee wado Wasaaradda Waxbarshada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay inay kala hadleen Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada Alice Albright sii kordhinta taageerada iyo kaalmada Waxbarasho ay siin jireen dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top