ENGLISH NEWS

Dowladda Somalia iyo Hay’adda IMF oo gaaray heshiis muhiim u ah Deyn Cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa goor dhow shaaciyay in dowladda Soomaaliya iyo hay’adda lacagta Aduunka ee IMF ay gaareen heshiis muhiim ah.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Wasiir Beyle bartiisa gaarka ah ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya iyo IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajida 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda ayaa intaas kusii daray in hay’adda lacagta Aduunka ee IMF ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka, si loo gaaro barta kama dambeysta.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caddeeyay inuu ku faraxsan yahay heshiiskaan muhiimka ah, isla markaana uu soo dhaweynayo, isagoo yiri “Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista”

Wuxuu Qoraalka kusoo gaba-gabeeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sidan : “IMF waxa ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto Dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka, si loo gaaro Barta Kamadambeysta”.

 

 

Dowladda Somalia iyo Hay’adda IMF oo gaaray heshiis muhiim u ah Deyn Cafinta
To Top