WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Axmed Madoobe oo shaaciyay in G/Gedo aan loo magacaabeynin Maamul

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu in la xalin doono wax walba oo caqabado ah oo ka jiray Gobolka Gedo, isla markana caqabadaha gobolkaas ka jiray la dhammeeyn doono.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo, isla markana aanay jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Axmed Madoobe oo shaaciyay in G/Gedo aan loo magacaabeynin Maamul
To Top