WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay Nin Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada

Taliska Daraawiishta degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay dhagarqabe ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada.

Sarkaalkaan ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka, waxaana la qabtay xilli uu doonaayey in uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Ninkaasi ka tirsan nabad-diidka ayaa waxa uu qirtay inuu fuliyay qaraxyo uu ku kala aasay Janaale, Bariire, Sabiid, Afgooye iyo Ex kontorol Afgooye, kuwaas oo dhimasho iyo dhibaatooyin kale ka soo gaartay dadka shacabka.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 669 qof lagu dilay Soomaaliya qaraxyo ay fuliyeen sanadkii hore, halka 501 la diiwaan geliyay sanadka 2020. Inta badan dhibanayaasha ayaa ahaa dad rayid ah, iyadoo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay sheegatay mas’uuliyadda inta badan.

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay Nin Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada
To Top