WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhawacamay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Qaraxan oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lala beegsaday goob lagu qaxweeyo oo ku taalla Xaafada buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Magaaladaas.

Dadka dhaawacmay ayaa iskugu jiray shacab iyo askar ku fiidsanayey mqaayaadda lagu qaxweeyo sida dad goob joogayaal u sheegeen warbaahinta oo ay la hadleen .

Ragga fuliyey qaraxaas ayaa baxsaday, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ammaanka ee Maamulka Hirshabeelle oo goobtaas gaaray ayaa sameeyey howgalo baaritaan ah inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada kooxihii ka dambeeyey qaraxaas.

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne
To Top