WARARKA SOOMAALI

Dowladda Qadar oo Madaxweyne Farmaajo ku Casumtay Shir gaara iyo warar kasoo baxay..

Dowladda Qatar ayaa ku casuuntay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo shir gaar ah oo bishan ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey

Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa shalay kula kulmay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Shirkan ayaa looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal u dhaxeeya iyo sidii loo soo xoojin lahaa.

Labo casuumaad oo ka kala yimid Amiirka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Diabdda Qatar ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir Yuusuf Garaad la gaarsiiyay

War Kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Yuusuf Garaad uu guddoomay casuumadahaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar.

SOMALI NEWS

To Top