WARARKA SOOMAALI

Dowladda Kenya oo go,aan a qaadanaysa Xidhiidhka Qarsoodiga ah ee kala dhexeeya Madaxda Maamul Gobaleedyadda Soomaaliya-Akhriso

Nairobi (Horufadhi News)-Sida ay warar hoose nagu soo gaadhayaan Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa inay go’aan ka qaadato xiriirka Siyaasadeed ee kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira Somalia.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay si qoto dheer uga wada hadleen qodobkaan, iyadoo Uhuru Kenyatta uu dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u ballanqaaday in xiriirka maamulada Somalia ka qaadan doonaan go’aan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa dhigiisa Farmaajo u sheegay in Kenya aysan ka raali noqon doonin Xubno weliba oo caqabad ku ah Somalia ama kasoo horjeeda Siyaasada lagu dhisaayo Somalia oo kasii baxeysa burburka.

Uhuru Kenyatta, waxa uu tilmaamay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhexeeya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, waxa uuna cadeeyay in Kenya ay mar waliba is garabtaagi doonto Dowlada Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka dhigiisa Kenyaatta, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inaanu Somalia taageeri doonin wixii dhibaaya Qaranimada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa qaabab hoose u naas-nuujisa Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada Somalia, waxaana xusid mudan in Hoteelo badan oo ku yaalla magaalada Nairobi lagu diyaariyo Siyaasado ay gadaal ka riixayaan maamul Goboleedyada oo lagu carqaladeynaayo Qaranimada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Kenya ayaa hadii ay ka dhabewyso go’aanka ay ku jareyso xiriirka kala dhexeeya maamul Goboleedyada  caqabad iyo dhabar jab ku noqon doonta maamulada oo aan ku kulmin meel ka baxsan Kenya, marka laga soo tago Somalia.

SOMALI NEWS

To Top