WARARKA SOOMAALI

Doorashada laba kursi oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, xili…

Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Galmudug.

labo kursi oo kala ah HOP#067, iyo HOP#43 ayaa u muuqda kuwo aan lagu geli doonin tartan xoogan, iyada oo mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka muran uu ka taagan yahay.

labada kursi ayaa waxaa horay uga kala fadhiyay Xuseen Iidow iyo Cadow Cali Gees,waxaana kursiga HOP#067 ku tartamaya Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Fareey, Janeraal Gacmadulle iyo musharax kale.

Halka kursiga HOP#43 ay ku tartamayaan Xuseen Iidoow iyo musharax uu isaga wato, iyada oo la filayo in uu ku guuleysto Xuseen Iidow kursigaas.

Kursiga HOP#067 ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagneyd cabasho, iyada oo musharrixiin uu kamid yahay taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare ay sheegeen in laga hor istaagay u tartamida kursigaas, isla markaana Ergada laga dhigtay Ciidamo iyo dad aan Soomaali aheyn.

Doorashada laba kursi oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, xili…
To Top