WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Taliska Booliska oo shaaciyay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku geeriyooday 17 kalena waa ku dhaawacmeen qarax saaka ka dhacay inta u dhexeysa isgooyska Tarabuunka iyo dugsiga sare ee Benaadir ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen hey’adaha ammaanku.

Booliska ayaa sheegay in qaraxan loo adeegsaday gaariin noociisu ahaa Surf, kaas oo lala beegsaday gawaari ay leedahay shirkadda Duguf Security oo waardiyeyneysay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

Xafiiska Qaramad Midoobay ee Soomaaliya ayaan weli kama hadlin qaraxan iyo haddii ay jirto khasaare soo gaartay shaqaalaheeda

Qaraxan ayaa sidoo kale waxyeello soo gaarsiiyay ardayda dugsiga Mocaasir iyo dad kale oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen ciidamada AMISOM.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Taliska Booliska oo shaaciyay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top