WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Faah faahin Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saaka dhacay meel ku dhow Dugsi sare Banaadir oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ardeyda iyo macallimiinta Iskuulka Mucaasir oo goobta ka dhow.

Dadka dhaawacyada soo gaareen oo ay ku jiraan Arday ayaa waxaa si deg deg ah loogula cararay Xarumo Caafimaad, si xaaladooda loogu dabiibo, waxaana sidoo kalena uu burbur xoog leh gaaray Iskuulka Mucaasir, iyadoo ay dumeen derbiyada Iskuulka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa durbo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona xiray oo dhan, isla markaana u diidaya inay wadada maraan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

SAWIRRO:-Faah faahin Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top