WARARKA SOOMAALI

Doorashada kursi tartankiisa adeg yahay oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne

Doorashada kursiga tirisgiisu yahay #HOP058 Golaha Shacabka ayaa Maanta ka dhaceysa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo tartanka doorashada kuraasi uu yahay mid oo ay ku tartamayaan 7 Musharax.

Musharaxiinta ku loolami doona doorashada kursiga #HOP058 ayaa shalay la diiwaan-geliyay, isla markaana la siiyay shahaadada Musharaxtinimo ee tartanka doorashada Golaha Shacabka, waxaana doorashada ay bilaaban doontaa saacadaha soo socda..

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa furay tartanka doorashada kursigaan, waxaana Musharaxiinta kala yihiin”

Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa Taliyihii hore ee NISA,

Eng Yoonis Maxamed Nuur.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.

Cabduqaadir Xuseen Olow, Maxamuud Afdhub Makaran.

Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubah Ali Shegow.

Maamulka Hirshabeelle ayaa la filayaa in maalmaha soo socda soo gaba-gabeyso doorashada kuraasta Golaha Shacabka ku harsan ee taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana weli usii harsan kuraas kale oo taalla Magaalada Jowhar.

Doorashada kursi tartankiisa adeg yahay oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne
To Top