WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Weerar ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xerada Maslax ee ku taalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir.

Weerar dheeraad oo laga helayo weerarka Al-shabaab ayaa sheegaya in weerarkaas uu markii hore ku bilowday Bam gacmeed lagu tuuray Xerada, isla markaana weerarka kadib uu ka dhacay iska horimaad kooban oo socday daqiiqado.

Taliska Ciidanka Booliska Haramcad ayaa sheegay inay gurmad u sameeyeen Ciidamada AMISOM oo ay weerareen Al-shabaab, ayna xaalada si caadi ah kusoo laabatay markii dambe, sidoo kalena ay xaqiijiyeen amniga aaga Xerada Maslaxa ee Hiliwaa.

Lama og khasaaraha ka dhashay weerarka Al-shaabab ay ku qaadeen Xerada ay degan yihiin AMISOM, sidoo kalena ma jiro wax faah faahin ah oo Saraakiisha Ciidamada Booliska Haramcad ka bixiyeen weerarkaas xalay ka dhacay degmada Hiliwaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca weeraro geystaan Al-shabaab, isla markaan ku qaada Ssldhigyada Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Banaadir.

Faah faahin kasoo baxeysa Weerar ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir
To Top