WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo Weerar culus saaka ku qaaday degaan ka tirsan Maamulka Puntland

Wararka aan ka heleyno deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland.

Weerarka ayey Al-shabaab u adeegsadeen madaafiic ay ku tuureen Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaank Af-urur, waxaana weerarka kadib dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalka dhacay oo weli socda, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo intaas kusii daray inay dareemeen cabsi.

Saraakiisha Ciidamada daraawiishta Puntland ayaan weli wax faah faahin ka bixin dagaalka iyo weerarka Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari, gaar ahaan dhanka buuraleyda ah.

Ma aha markii ugu horreeyay ee dagaalamayaasha Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, isla markaana ay muddo kooban kula wreegeen deegaanka, wallow markii dambe laga saaray…

Al-shabaab oo Weerar culus saaka ku qaaday degaan ka tirsan Maamulka Puntland
To Top