WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas hor leh oo Maanta lagu qabanayo Magaalada Baydhabo

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in markale Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu doorto Afar kamid kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Maamulka Koonfur Galbeed.

Kuraasta Maanta la dooranayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#154 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiday Sareeda Maxamed Cabdalla, HOP#213 oo uu ku fadhiyo Yacquub Cali Maxamed, HOP#180 oo Koonfur Galbeed uu ku matalayay Afartii sano ee la soo dhaafay Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulle Dr. Go, kaas oo kursigaan u tartamidiisa ka tanaasulay & HOP#193  uu ka geeriyooday Maxamuud Maxamed Bono.

Shalay Maamulka Koonfur Galbeed waxaa uu Magaalada Baydhabo ku doortay Afar kamid ah Golaha Shacabka, waxana ilaa iyo hadda Maamulka Koonfur Galbeed uu doortay 7 kursi.

Doorashooyinkii ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ayaa waxaa kasoo noqday cabasho badan, iyada oo dad ay kamid yihiin Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Idiris Cabdi Dhaqtar laga reebay inay tartamaan.

Doorashada kuraas hor leh oo Maanta lagu qabanayo Magaalada Baydhabo
To Top