WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia iyo Turkiga oo ka wada hadal ka yeeshay Arrimo muhiim oo ku aadan..

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somalia Cabdisaciid Muuse Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz oo Wasiirka ugu tegay booqasho sharafeed.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali, labada masuul waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo wax-wada-qabsiga shucuubta labada dalka.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska.

Labada Masuul ayaa la isla gartay, sidii looga wada shaqayn lahaa ka dhabaynta himilooyinka qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah, sida lagu shaaciyey Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.

Dowladda Somalia iyo Turkiga oo ka wada hadal ka yeeshay Arrimo muhiim oo ku aadan..
To Top