WARARKA SOOMAALI

Agaasimihii PSF ee xilka qaaday oo Amar kusoo rogtay Ciidanka taageersan ee PSF

Agaasimihii hay’adda PSF ee xilka qaadista lagu sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano oo saaka khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan Ciidanka ayaa ku amray in aysan wax xabbad ah ku ridin Magaalada

Saraakiisha ayaa ka soo xigtay Agaasime, Maxamuud Cismaaan Diyaano in aysan jirin wax xiisad dagaal ah oo ka aloosan Boosaaso, isagoo arrinta taagan ku tilmaamay mid iska dhammaanaysa.

Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in Agaasimuhu ku amray in ay ka baxaan difaacyada qodan, islamarkaana si caadiya u wataan shaqadooda ciidanimo.

Agaasimuhu kama hadlin wax ku saabsan xilka qaadistiistii lagu sameeyay iyo haddii uu xilka wareejinayo midna.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Ciidanka PSF ay ka baxeen dhufayso u qodnaa oo ay si caadiya ugu laabteen xarumahooda, sida ay xaqiiyeen Ilo War ah oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari..

Agaasimihii PSF ee xilka qaaday oo Amar kusoo rogtay Ciidanka taageersan ee PSF
To Top