WARARKA SOOMAALI

DIGNIIN:Dalka Mozambique Ragga Bidaarta leh oo la ugaadhsanayo iyo Hanti Malaayiin gaadhaysa oo Madaxooda lagu sheegay!-Sawiro

Wararka ka imanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in dadka bidaarta leh loogaga digey in la ugaarsan karo kadib markii dhowaan saddex ruux oo bidaar leh loo diley bidaartooda awgood.

Labo ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falka lagu diley saddexdan ruux ee bidaarta lahaa ayaa Booliska Bartamaha dalka Mozambique magaalada Milange ay gacanta ku soo dhigeen.

Raggan la soo qabtay ayaa la sheegay in yihiin dhalinyaro da’adoodu ay tahay labaatan jiro sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

“Waxaa dadka qaar ay aaminsan yihiin in Madaxa qofka bidaarta leh uu  ku dhex jiro dahab,”ayuu yiri  Afonso Dias, taliyaha ciidamada Booliska Mozambique ee bartamaha gobolka Zambezia.

“Dadka qaar ayaa aaminsan in dadka bidaarta leh ay yihiin dad qani ah waxayna haystaan fikrado qalad ah ,”ayuu yiri taliye  Dias oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Mozambique ee  Maputo.

Afhayeen u hadlay Maamulka gobolka dhexe ee dalka Mozambique Miguel Caetano ayaa u sheegay AFP in mid ka mid ah saddexda ruux ee loo diley bidaarta awgeed laga jaray madaxa kadibna qeybo ka mid ah laga qaatay.

Qeybaha laga jaray madaxa ayaa la sheegay in dad saaxiriin ah ka sii iibiyaan macaamiil la sheegay in ay ku nool yihiin wadamada Tanzania iyo Malawi.

Qaar kamid ah wadamo ku yaal qaarada Afrika ayaa hore waxa ay u ugaarsan jireen dadka midabka casaanka leh ee loo yaqaan Albinaha balse waa markii ugu horeysay ee la sheego in dadka bidaarta leh ay naftoodu halis ku jirto.

SOMALI NEWS

To Top