WARARKA SOOMAALI

Dhul-gariir Dad farabadan ay ku le’deen oo ka dhacay dalka Afghanistan

Dhul-gariir ayaa waxa uu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Bariga dalka Afghanistan, Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey inay ugu yar 255 qof ku geeriyoodeen musiibadaasi, halka ay Boqolaal kalena ku dhaawacmeen.

Halbeegiisu Dhul-gariirka ayaa lagu sheegay 6.1 Rector Scale, iyadoo dhimashada ugu badan ka dhacday Gobalka Paktika, halka ay 250 kalena ku dhaawacmeen.

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Afghanistan,  Maxamed Nasiim Xaqaani ayaa waxa uu tilmaamay in dhimasho kale laga soo weriyey Goballada Nangarhar iyo Khost ee Bariga dalkaasi.

Dhul-gariirkaasi ayaa waxa uu ka dhacay meel 44 KM u jirta magaallada Khost, oo u dhow Xuduudka ay Afghanistan la wadaagto Pakistan. waxaa la soo weriyey in Dhul-gariirka laga dareemay dalalka Afghanistan,  Pakistan iyo Hindiya.

Dhul-gariir Dad farabadan ay ku le’deen oo ka dhacay dalka Afghanistan
To Top