WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dad Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta

Inta la xaqiijiyay 7 qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay, halka tirro kalena waa ay  dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen dad Soomaali xoolo dhaqata ah oo kunoolaa deegaanka Canfarta.

Weerarka oo loo adeegsaday qoryo AK-47 ayaa waxaa lagu qaaday dadkaas Soomaalida ah oo lagu dilay deegaan la yirahdo hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee mara deegaanka Canfarta ee Soomaalida dalka Itoobiya.

Maleeshiyaad ka soo jeeda qowmiyadda Canfarta ayaa weerar ku qaaday xoolo dhaqato Soomaali ah oo u arooray tegay webiga mara deegaanka Canfarta, halkaa oo sidoo kale la sheegay in lagu qaaday xoolo gaaraya ilaa afar kun oo neef.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo xilli isbuucyadii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labadani qowmiyadood ee dirirtoodu soo jiitameysa in muddo ah.

Dad farabadan oo xoolo dhaqato ah kuna noolaa deegaanka Canfarta ayaa marar kala duwan waxaa lagu qaaday weeraro sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena ay dhaceen dagaal beeleedyo.

Wararkii ugu dambeeyay Dad Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta
To Top