WARARKA SOOMAALI

Qaar kamid ah wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu karantiilay Imaaraadka

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in qaar kamid ah wafdigii la socday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee qeybta ka ahaa safarkii Imaaraadka Carabta ayaa lagu karantiilay hotel ku yaalla dalkaas.

Qaar kamid wafdiga Madaxweynaha ayaa laga helay Cudurka COVID-19, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay xubnaha, isla markaana waxaa lagu amray inay karantiil ku galaan Hotel ku yaalla meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Dubai

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in uu haatan caafimaad qabo, hayeeshee sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wafdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu la haa hoggaanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin ah, balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

Qaar kamid ah wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu karantiilay Imaaraadka
To Top