WARARKA SOOMAALI

Dhalinyaro iyo Xubno ka socda Bahda Caafimaadka ee Buuhoodle oo Gurmad u gaadhay Magaalada Burco

wafti samafalayaal ah oo ka socda Ururadda bulshadda iyo bahda caafimaadka ee Buuhoodle ayaa  gaadhay magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer halkaaso uu aafeeyey cudurka shuban biyoodka

Waftigan ayaa ka socda Ururka midowga dhalinyaradda, Ururka Gargaar, Gudiga caafimaadka, iyo xirfadlayaal caafimaad.

Gargaar degdeg ah oodhan 6ton oo isugu jira daawo iyo biyo nadiif ah oo hordhac u ah gurmadka Buuhoodle u samaynayso dhibanayaasha shuban biyoodku ku haleelay Burco ayay qaadeen waftigani.

Dhawaan ayay ahayd markii uu xanuunka Shuban Biyoodku ku dhuftay magaalada Burco isaga oo ugu horayn ka dilaacay Xabsiga Magaalada Burco kadibna ku wada faafay guud ahaan Deegaanka waxaana xanuunka u dhintay Tiro badan oo dad ah halka kuwa kalena ilaa hada u jiifaan.

Wixii warara ee ka soo kordha Halkan kala socoda insha Allaah

 

SOMALI NEWS

To Top