WARARKA SOOMAALI

Daawo:Beesha Habar-jeclo oo sheegtay in uusan Dhulbahante Dhulkiisa waxba ka dhisan karin iyo Qaylo dhaan ay Somaliland u dirsadeen-Video

Beesha Habar-jeclo oo kulan yeelatay Deegaanka Qorilugud ayaa Sheegtay inaan Beelaha Dhulbahante Dhulkooda Dhisan Karin, iyagoona ka hadlay Deegaanka Gocondhaale oo Hoos yimaada Buuhoodle,  waxayna  fariin u dirsadeen Maamulka Somaliland oo ay sheegen inuu wax ka qabto,  hadii kale iyagu ay  Aasidoonaan Deegaankaasi Dibna u Qodi Doonaon Dhulkii Colaada faraha Looga Gubtay ka Bilaabatay ee Kalshaale.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Beesha Habar-jeclo ayaa sida muuqata waxaa ay gaashaan xoogan ka dhigaynayaa oo ay kusoo caga taagsato Maamulka Soomaaliland iyada oo Sida warkooda ka muuqata aad ugu celcelinaya in ay soomaaliland arrintan wax ka qabato!.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Soomaaliland Buuhoodle miyey ka talisaa? Xagee Beesha Habar-jeclo ay uleedahay dhulka Dhulbahante Dhisanayo ee isla Buuhoodle ah waa in aad wax ka qabataa? Ma soo lama odhan karo odayaashan u hadlay Beesha Habar-jeclo waxay doonayaan in ay Baaq u dirsadaan Soomaaliland si ay awood ciidan iyo Mid hub ugu soo tageerto? waaayo ileen Buuhoodle iyo Gocon-dhaalle in tay Soomaaliland Timaado waxba kama qabanayso aan Colaad iyo Dagaal ay kusoo gasho mahaane.

 

SOMALI NEWS

To Top