WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dhacdo naxdin iyo Argagax leh oo ka dhacday Magaalada Jigjiga, kadib markii…

Afar Nin oo walaalo ahaa ayaa isku mar ku geeriyooday ceel biyood ay ku dhaceen, kaas oo ku yaalla tuulada Hora-hawd oo u dhaw magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

Allaha u naxariistee Raggan ayaa ku geeriyooday Ceel kuyaal Togga Faafan, kaasi ahaa mid ay iyaga qodeen si ay Biyo uga cabaan, balse halkaas ayay si wada jir ah ugu geeriyodeen xilli ay doonayeen inay ku waraabiyaan beer ugu taalla gudaha halkaas.

Ehellada Afartan nin ee dhintay ayaa sheegay in saacado kadib markii ay ceelka ku dhaceen la ogaaday, kadib markii uu kusoo wargeliyay mid kamid ah Shaqaalaha Beerta.

Bulshada degaanka Faafan ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay Ceelka kasoo saaraan Meydadka Afarta Nin oo ku jiray in ka badan lix saacadood, waxaana islamaanta lagu Aasay Tuulada Hora-hawd.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Dhacdo naxdin iyo Argagax leh oo ka dhacday Magaalada Jigjiga, kadib markii…
To Top