WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdigiisa oo kasoo  ambabaxay Jowhar ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, siyaasiyiin iyo dadweyne farabadan oo Garoonka lagu sii diyaariyey.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu kulamo la qaadan doonaa xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo uu kala hadli doono horumarinta deegaanada maamulkiisa iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka jira.

Wasiirka amniga Xukuumadda Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka hadlaayay soo dhaweynta loo sameeyay Cali Guudlaawe ayaa Madaxweynaha iyo maamulkiisa ku boggaadiyay qaabka ay u dhacday doorashadii Aqalka Sare ee lagu qabtay Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo dhawaan ka dhacday doorashadii Senatorada Aqalka Sare ku metalaya Hirshabeelle.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho
To Top