FEATURED VIDEO

Taliska Ciidanka Xoogga oo si lama filaan uga hadlay dagaalkii Muqdisho

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka  xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) sheegay in dagaalkii ka dhacay Muqdisho aysan wax lug ah ku laheen Ciidanka Qeybta 27aad lagana been abuurtay.

Shir jara’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayuu sheegay in Ciidanka qeybta 27aad aysan ka shaqeyn magalada Muqdisho , balse ay yihiin kuwo ka howlgalla Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii Maamulka degmada Kaaraan ay ku eedeeyeen in dagaalkii ka dhacay Kaaraan ay ka qeyb qaateen Ciidamo katirsan qeybta 27aad.

Waxaa uu sicad u sheegay inay jiraan rag hubeysan oo wata Gaadiidka & dharka Ciidamada Millateriga, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Shacabka Muqdisho & degaannada u xeeran.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka  xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Cidianka qeybta 27aad ay haatan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaanka Xaaji Cali iyo degaannada ku dhow dhow.

Ugu dambeyn Taliye Tareedisho ayaa waxaa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in Magaalada Muqdisho uu ka saaro Ciidamada Gadiidka & hubka ku dhex-wata Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay ka tirsaneyn Ciidanka dowladda.

 

Taliska Ciidanka Xoogga oo si lama filaan uga hadlay dagaalkii Muqdisho
To Top