WARARKA SOOMAALI

Ammaanka xaafadda Islii ee Magaalada Naiorbi oo aad loo adkeeyay

Kadib go’aankii kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Xaafadda Soomaalida Islii ee magaalada Naiorbi, halkaasoo lagu arkayay ciidamada Booliska dowladda Kenya iyo gaadiidkooda oo ku sugan Isgoysyada iyo waddooyinka soo gala xaafadaasi.

Guddiga ganacsatada ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo xaqiijinaya ammaanka xaafaddam kadib go’aankii Maxkamadda ICJ oo laga baqay inuu rabshado ka abuuro xaafada Soomaalida Islii.

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa shalay go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Doodda labada dal ayaa aheyd, iyada oo Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay Go’aankii kasoo baxay Maxkamadda ICJ, wuxuuna hoggaanka ku eedeeyay inay dhowr jeer carqaladeeyeen kiiska.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay Maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Ammaanka xaafadda Islii ee Magaalada Naiorbi oo aad loo adkeeyay
To Top