WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo la kulmay wafdiga ka socda DFS ee ku sugan Hague

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay wefdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aanka maxkamadda Cadaaladda Aduubka ICJ ee kiiskii badda.

Ra’iisul Waaare Rooble ayaa wafdiga ka socday dowladda Federaalka ku bogaadiyay shaqadii ay qaranka u qabteen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qareennadii difaacayay badda, madaxdii dalka soo maray iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hoggaaminayay wafdiga dowladda uga qeyb galay dhageysiga go’aanka Maxkamadda ICJ ee kiiskii badda ayaa sheegay in Guddoonka Maxkamadda bilowd ilaa iyo dhammaad uu sheegayay inay kiiska ku guuleysatay Soomaaliya.

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa shalay go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Doodda labada dal ayaa aheyd, iyada oo Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay Maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-RW Rooble oo la kulmay wafdiga ka socda DFS ee ku sugan Hague
To Top