WARARKA SOOMAALI

WARAYSI:Dekedda Boosaaso oo Maanta shaqeynaysa kadib maalmo xaalad Cakirnaan ah ka taagneyd iyo Sixir Barar baahsan oo ka taagan Gobalka-Video

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Dekeda ee sababta u noqday in muddo todobaad ah Dekeda la xiro.

Ganacsatada iyo Maamulka Puntland ayaa la sheegay in heshiis KMG ah ka gaareen khilaafka, waxaana lagu heshiiyay in dib loo furo Dekeda muddo 10 maalmood ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale doonyaha sida badeecadaha ayaa la isku afgartay in laga qaado lacagihii horay looga qaadi jiray.

Wasiirka Dekedaha Puntland Saciid Maxamed Raagge ayaa sheegay inay muhiim tahay in la xaliyo xiisada taagan, isagoo xusay in heshiiska lala galay shirkadda DP World uu yahay mid sharci ah oo soo maray hey’adaha kala duwan ee Puntland

Maalintii shalay ayay aheyd markii banaan bax rasbhado watay uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasoo looga soo horjeedo xirnaanshaha Dekeda.

Tan iyo markii Shirkadda DP World ay la wareegtay Dekeda Boosaaso ayaa waxaa soo baxayay qeyla dhaan ka imaaneysay Ganacsatada badeecadaha kala soo dega Dekeda.

SOMALI NEWS

To Top