WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:Taliyihii Ciidanka Xooga Taliyihii Booliska Gudoomiyihii Gobalka Banaadir iyo Saarakiil Kale oo Xilkii laga qaaday iyo kuwo hada la magacaabay…

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay magacaabista Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulan xasaasi ah oo u socda Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.

Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.

Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in xilka Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

Kulanka Golaha Wasiirada oo wali socda ayaa ah kulankii labaad oo lagu magacaabo illaa afar Taliye,  iyo Gobolka Banaadir.

SOMALI NEWS

To Top