WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Dharka Ciidanka Soo xidhay kuna dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab-Full Video+Sawiro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Madaxweyne Farmaajo oo watay dareyska ciidamada ayaa sheegay in maanta uu magacaabay Taliyeyaal cusub oo isugu jira ciidamada qalabka sida.

“Waxaan maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhana ah Kooxaha argagixisada ah, shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa inay garab siiyaan ciidamada qalabka sida”ayuu yiri Madaxweyne Farmaaj.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu cafis u fidiyay dhalinyarada la marin habaabiyay, isagoo tilmaamay inay heystaan muddo 60 cisho ah.

“Waxaan sidoo kale cafis u fidinayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee ku shaqeeya fikrika khaldan ee xaqjirnimada ah. Waxaaa haysataan muddo 60 cisho ah inaad hubka ku dhigtaan. Waxaan idiin ballan qaadeynaa inaad heli doontaan daryeel wanaagsan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab aanu aheyn mid dowladda oo kaliya ay ku filantahay. Waa inaan iska kaashannaa sidii aan dalkeenna uga dhigi lahayn meel nabad iyo nolol ay taallo.

“Aniga oo fursaddan ka faa’iideysanaya. waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee ay dhibaatada kasoo gaartay qaraxii shalay. Ma sugi karno in maalin walbo dad shacabka horteenna lagu xasuuqo”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan musuq maasuqa, isagoo tilmaamay in Al-Shabaab iyo musuq maasuqa ay u yihiin isku mid.

SOMALI NEWS

To Top