Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay magacaabista Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulan xasaasi ah oo u socda Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.
Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.
Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.
Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in xilka Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid.
Kulanka Golaha Wasiirada oo wali socda ayaa ah kulankii labaad oo lagu magacaabo illaa afar Taliye, iyo Gobolka Banaadir.
