WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Xeer ilaalinta Puntland oo dalbatay in xilka looga qaado Xildhibaankii su,aasha kulul waydiiyey Deni.

Garoowe ( HM ) Xafiiska xeer-ilaalinta guud ee maaamulka Puntland ayaa Gudoomiyaha Golaha wakiillada ka codsaday in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xassan Daad si ay dacwad ugu soo oogaan.

Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii uu Xildhibaanku Suaalo adag way diiyey Madaxwayne Deni.

Xildhibaanku Waxaa loo doortay inuu la Xisaabtamo Laanta Fulinta, Waana Sababta hada Lagu Haysto.

Lama Hubo inuu Gudoomiyuhu Aqbali doono Arintan, waxaana haduu kasoo horjeesto loo badinayaa in mooshin isaga laga keeni doono.

SOMALI NEWS

To Top