WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo gubtay Saldhig ay lahaayeen Ciidamada Kenya, Faahfaahin.

Nairobi (HM) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen qeybo ka mid ah magaalada Wajeer gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaal Al-Shabaab waxa ay la beegsatay saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Dadajabula oo koonfur ka xiga Wajeer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo looga adkaaday ciidankii Booliska ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dab qabadsiisay saldhigga oo guud ahaan burburay.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey sarkaalkan in ragga fuliyey weerarka ay dileen labo qof oo ku eedeysnaa in ay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo ku xirnaa saldigga deegaanka Dadajabula oo ah meesha uu weerarku ka dhacay.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weerarkaasi lagu dhaawacay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska ee dowladda Kenya.

Sida aan xogta ku helnay Al-Shabaab ayaa dooneysay inay xoog ku soo furato, islamarkaana ay soo badbaadiso xubna uga xirnaa saldhigga, balse ay ku dhinteen dabkii ay ku gubeen xaruntaasi ciidan.

Al-Shabaab oo sheegatay inay ka dambeysay weerarkan ayaanan weli shaacin khasaaraha, balse waxay sheegtay inuu jiro khasaare xoog leh, sida ay hadalka u dhigtay.

 

SOMALI NEWS

To Top