WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Soomaliland oo oo eridey shaqaalihii garoonka Diyaaradaha Hargeysa iyo cabsi soo wajahday!!.

Hargeysa (HM)-Maamulka Somaliland ayaa maanta shaqada ka joojisay 42 shaqaale ah, kuwaasi oo ka hawl-galayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Shaqaalahan ayaa ka mushahar qaadan jiray hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO).

Balse dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay la wareegtay maamulka hawada, shaqaalaha iyo dhaqaalihii ka soo xaroon jiray hawada Soomaaliya oo ay horey gacanta ugu haysay hay’adda ICAO.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Somaliland ayaa shaqaalahan ay eriday ku haysata in ay soo caddeeyaan in aanay ka mid ahayn shaqaalaha ay la wareegayso dawladda Soomaaliya.

Shaqaalahan ayaa ah kuwa ka hawlgala:

Air Traffic Controllers: Hagidda diyaaradaha
AIS Officers: Maamulka macluumaadka hawada
MET Officers: Saadaasha Hawada
FireFighting: Dabdamiska
Marshallers: Parking garaynta diyaaradaha.
Technicians: Injineerada qalabka Hawada.

SOMALI NEWS

To Top