WARARKA SOOMAALI

Akhriso Xogta:-Puntland Safarka Siciid Deni ee Itoobiya oo la ogaaday, warbixin xasaasi ah!!

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii 2aad tan iyo markii xilkaas uu qabtay socdaal ugu anbabaxay dalka Itoobiya, ka dib markii uu casumaad rasmi ah ka helay dawladda Itoobiya.

Ilo la isku haleyn karo ayaa Horufadhi News u sheegay in Madaxweynaha maamulka Puntland uu mudo dhan shan maalmood uu kusugnaan doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo kulamo gaar ah la yeelan doona wasiiradda Xukuumadda Addis Ababa qaar kamid ah.

Warbaahinta Horufadhi News ogaatay in arrimaha laga wada hadli doono ay ka mid noqon doonaan xagga ammaanka, gaar ahaana fariin dhawaan kasoo baxday Daacishta kusugan Buuraleyda gobalka Barri oo ay sheegeen in ay Itoobiya duulaan ku qaadi doonaanm isla markaana ay ciidan ka qoran doonaan Gudaha Dalkaas.

Sidaas oo kale arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa kamid ah qodobada la isla soo qaadi doono isla markaana laga wada hadli doono, gaar ahaana xadhiidhka xumaaday ee Puntland iyo Federaalka.

Inkastoo aysan shaacin Madaxtooyada Garoowe ujeedada socdaalkan, waxaa kale oo laga wada hadlayaa qorshaha la xadhiidha xagga Iskaashiga Ciidan ee Puntland & Itoobiya, kaas oo mudo dheer soo socday, waxayna Addis Ababa hadda doonaysaa in ay taageerto Ciidan ay puntland yeelato sida aan xogta ku ogaanay.

Deni ayaa safarkiisa 2aad iyana ku tagaya dalalka Kenya & Imaaraatka Carabta, isagoo halkaas u tagaya arrimo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa nasasho.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa bishii June booqasho ku tagay Itoobiya, waxaana kulan gaar ah uu la yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Itoobiya iyo Wasiirka Difaaca oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac, waxaana la rumeysan yahay in ay Puntland codsatay taageero dhanka Hubka ah!!.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top