WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Puntland oo shacabka u dirtay farriimo DIGNIIN ah..

Garoowe (HM ) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa maanta soo saartay digniin deg deg ah oo ku socota dadka degan dhanka xeebaha oo la sheegay inay ku soo wajahan yihiin roobab iyo dabeylo xoogan.

Wasaaradda oo fariimo digniin ah dadka ugu dirtay taleefanadooda ayaa ugu baaqday in ay ka fogaadaana xeebaha iyo meelaha togaga ah, si looga baaqsado waxyeelo ka dhalata duufaanadaasi laga cabsi qabo inay ku dhuftaan bariga maamulkaasi.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in meelaha ugu daran ay yihiin gobollada, Sanaag, Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar ee hoostaga maamulka Puntland.

Sida ay sheegtay wasaaraddu waxa ay digniintan timid, kadib markii qolayaha saadaasha hawada ay soo saareen wargelin ah in laga fogaado deegaanadaasi.

“Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan xeebaha Puntland,gaar ahaan gobolada Bari sida, Sanaag, Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato.” ayaa lagu yiri farriimaha loo diray dadka.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay digniin ka soo saarto xeebaha maamulkaasi oo marar badan ay ku dhufteen dabeylo dhaliyey khasaare xoogan.

SOMALI NEWS

To Top