WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaalada murugada leh ee ka taagan Magaalada Beledweyne, wararkii ugu dambeeyay-Video

Hiiraan ( HM ) Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad horleh ka sameeyey deegano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaano hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay, Iyadoona Bbadi dadkii ku noolaa deegaanadaas ay ka barakaceen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Tuulooyinka saacadihii la soo dhaafay uu fatahaada ka sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa waxaa kamid ah, Buurfuule,Buulo Sabuun, Muriyaale,Lamawaab, Xudur Ciise, Kulmis Weyne iyo Dagmada Mahadaay.

Ka dib doonidii Soddon-ka qof la socdeen ee Isniintii ku degtay fatahaadaha webiga Shabelle ayaa waxay argagax-gelisay shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Xasan Cabdiqaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in gurmad lala gaaro bulshada ay harqiyeen fatahaadaha Webiga Shabelle, Wuxuuna sheegay inay maanta marayaan waqtigii ugu adkaa, iyadoo ay isugu darsameen Fatahaado iyo macluul, loona baahan yahay in aan loo kala harin gurmadka dadkaasi.

“Xaaladan oo kale marka ay taagan tahay waa lama lagama maarmaan in si Wadajira dadkeenu isugu gurmadaan meel kasta oo ay dunida ka jooggaan, iyadoo aan gacmo shisheeye lagu tashanayn.”

SOMALI NEWS

To Top