WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay Askar iyo Saraakiil Hub iyo Gaadiid Dagaal ula baxsaday Soomaliland-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Maxakamadda Ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 7 Askari oo lagu eedeeyey in ay Hub iyo Gaadiid Dagaal kala baxsadeen deegaanka Tukaraq oo ay isku-horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Ciidamadaan dilka lagu xukumay ayaa waxay Hub iyo Gaadiid ka mid ahaa kuwa jiida Tukaraq ku jiray ay ula baxsadeen dhinaca Somaliland.

7 Askari ee xukunka lagu riday ayaa ka maqnaa maxakamada, waxayna Saraakiisha maxakamada ay sheegeen in markii gacanta lagu soo dhigo xukunkaas lagu fulin doono.

Guddoomiyaha maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee Shanta  Gobol Puntland Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay in Askartaas lagu riday xukunka dilka toogashada ah, kadib markii Maxakamadu ay dhageystay dooda edeymaha iyo tan difaaca Qareenka eedeysanayaasha iyo qiimaha Gaadiidka iyo hubka ay la baxsadeen in lagu xukumay dilka toogashada ah.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada xukunka dilka toogashada ah lagu riday ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay sidaan.

1: Dabel Jaamac Cabdi Nuur Maxame

2: Dable C/rashiid Ismaaciil Geelle.

3:Dable Maxamed Axmed Bootaan

4:-Dable Cabdi cumar Jaamac

5: Dable Siciid Maxamed Axmed

6: Cabdi Dhuux Cali Xasan

7: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ashkir

SOMALI NEWS

To Top