WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Maxakadda G.Banaadir oo Racfaan kusoo celisay dacwaddii loo haystay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur..

Maxkamadda Racfaan ee Gobolka Banaadir ayaa muddo u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maalmo ka hor ay sii deysay Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaddib markii ay ku weysay wax dambi ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka hor-yimid go’aanka Maxkamadda Gobolka banaadir ay ku sii deysay, isla markaana ku caddeysay in aan wax racfaan ah laga qaadan karin, hase ahaatee Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku adkeystay inuu racfaan ka qaato xukunkaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Banaadir ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu u diray Qareenada u dooday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo lagu sheegay in 27 bishan oo ku beegan maalinta berri loo qabtay dhageysiga dacwada loo heysto.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada loo heysto Siyaasigan, saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.

Hey’addah garsoorka ayaa ah kuwo xilligan ku kala qeybsan kiiska C/raxmaan C/shakuur oo 17-kii bishan howl gal ay fuliyeen Ciidamada Ammaanka ku qaadeen gurigiisa, kuna dileen Ilaaladiisa, waxaana Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sheegtay falkii lagu soo xiray C/raxmaan C/shakuur iyo weerarkii lagu qaaday gurigiisa uu ahaa mid sharciga baal marsan, isla markaana aan wax ogolaansho Maxkamadeed laga qaadan.

Kiiska C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waji cusub yeelanay, isagoo dhowaan ku dhawaaqay inuu isna dacwad ku furi doono dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay ilaaladiisa, isla markaana ay aheyd mid la doonayay in isaga lagu khaarijiyo.

SOMALI NEWS

To Top