WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Kooxda Daacish oo sheegatay qarax lala eegtay wasiir Puntlaland ah.

Boosaaso (HM)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo saaka gudaha magaalada Boosaaso lagula eegtay wasiirkii hore ee Qorshaynta maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax.

Qoraal ay daabacday warbaahinta Daacish ee Amaq News Agency ayaa lagu sheegay in ciidamada Khilaafadu ay qarax miino u dhigeen wasiir hore Shire Xaaji Faarax xilli uu marayey nawaaxiga hoteel Shabeelle ee magaalada Boosaaso.

Daacish ayaa sheegtay in qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu sii aaysay ay ku dhaawacmeen laba kamid ah ilaalada mas’uulka balse isagu ka badbaaday.

Balse, laamaha Amniga gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsana ilaalada Shire Xaaji Faarax cid kalena aysan wax dhib ah ka soo gaarin.

SOMALI NEWS

To Top