WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Gudoomiye Yariisow oo dhaawacii u geeriyooday-Video

Muqdisho (HM)-Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Isbitaalka Hamad ee magaalada Doxa ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay todobaadkii hore Xarunta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow oo dhaawiciisa ahaa mid culus ayaa khamiistii hore loo qaaday dalka Qatar, iyadoo muddo todobaad ah lala tacaalayay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa xaqiijiyay geerida Eng. Yariisow oo muddo todobaad ku jira xaalad koomo ah oo dhaqaatiirtu la tacaalayeen, waxaana dhaawaca ugu culus uu ahaa dhanka madaxa.

SOMALI NEWS

To Top