WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Cirro oo ka hadlay Xiisada G.Sanaag Dagaalka Korneyl Caarre iyo Muuse Biixi-Video

Hargeisa  ( HM) Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa,  ayaa ugu horayn ka hadlay Murankii ka taagnaa DOorashashada iyo Xalkii dhowaan  laga gaadhay arintaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Heshiiskaasi inuu Suuro galo waxaan gacan ka gaystay Beesha Caalamka, Gaar ahaan Safiirada Yurub iyo Ingiriiska.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Wuxuu sheegay in Heshiiskii la gaadhay aanu weli meesha ka saran Saami Qaybsiga Gollaha Wakiilada,

Isagoo ka hadlayey Xaalada Gobolka Sanaag , ayuu sheegay inay Halkaasi ku dhinteen dad badan Xukuumaduna ay ka gaabisay “Arintaasi waxay na tusaysaa Awooda Xukuumadda Somaliland, oo Xalin wayday 4-Sanno Arintaasi,  Wayna ku Fashilmeen inay Nabadeeyaan oo wax ka qabtaan”. Ayuu yidhi Cirro.

Wuxuu sidoo kale k ahadlay Sida lagu Xalin karo Xaalada Gobolka Sanaag “Waxaan Qabaa Xalka Sanaag inaanu ahayn Xabad, Inaanu ahayn Xal Milatari, ee Xalkiisu waa Xal Siyaasi ah iyo ergo Nabadeed, Wuxuuna Xalkeedu ku jiraa inuu Madaxwaynuhu Ganacsiiyo Odayaasha dhaqanka ee Gurmaday, Xalka Sanaag Furihiisii wuxuu ku jiraa Jeebka Madaxwaynaha, Waa inuu Cafis u fidiyo Caarre iyo Ciidanka Hubasan ee la socda, Somaliland Jabhad uma baahna”. Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

“Waxaa Horay loo  isticmaali jiray Xal kasta oo Bulshada Midanaysa oo lagu dhamayn karo Howlaha lasoo Gudboonada, Balse waa ayaan darro maanta marka la eego Khudbadii ugu dambaysay ee Madaxwayne Muuse Biixi, waxaa muuqata in maamuuskii, Odaynimadii iyo Xigmadii ay ka dhamaaday Madaxtooyadda,   Isagoo Muuse sheegay in Dulqaadka iyo Doqonimadu ay Walaalo yihiin”  Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo Qaatay Suugaan uu Horay u tariyey Abwaan Hadraawi oo uu sheegay inay ula ekaatay Khudbada Madaxwayne Muuse Biixi.

SOMALI NEWS

To Top