WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Dowladda Soomaaliya oo safiir cusub u magacowday Cabdixakiim Camey..

Muqdisho ( HM ) Xog Rasmiya oo aanu Helnay ayaa Xaqiijinaysa in Dawladda Soomaaliya ay Safiir u magacowday Madaxwayne ku xigeenkii Hore ee Puntland Cabdixakiim Cabdulaaji Xaaji Cumar Camey.

Cabdixakiim ayaa lagu xasuustaa Doorkii wanaagsanaa ee uu ka istaagay Khilaafkii Dawladda dhexe iyo maamulada, Halkaasi oo ay siwayn ugu kala Durkeen C.wali Gaas, Kadib markii uu kasoo horjeestay in Xidhiidhka loo Jaro dawladda dhexe, Islamarkaana uu siwayn u dhaliilay shirkii Maamulada ee Kismaayo.

Dalka Sida Rasmiga ah loogu magacaabay Lama Shaacin, Balse waxaa la filayaa inay dhowaan Arintaasi soo Shaac Baxdo.

 

SOMALI NEWS

To Top