WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee Xiisada Maamulada Puntland iyo Soomaliland-Video

Laascaanood ( HM )-Xiisad Colaadeed oo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ayaa maanta laga Dareemay Gobolka Sanaag, Halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Labada maamul.

Dhaqdhaqaaqqyada ayaa lagu soo waramayaa in ay wadaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland waxaana si gaar ah ay uga socdaan dhaqdhaqaaqyada deegaanka YUBE oo ay ku sugan yihiin ciidanka Somaliland iyo deegaaanada ku teedsan oo ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dadka ku dhaqan deegaanada ay dhaqdhaqaaqyadu ka socdaan ayaa sheegaya in ay dareemayaan cabsi ku aadan in lagu dul dagaalamo.

Arintan ayaa ku dambasay Markii Ciidamada Puntland ayaa saaka Aroortii hore tageen deegaanada Kal-gubataale iyo Ceelcad oo u dhexeeya magaalooyinka Yubbe iyo Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, Sidoo kale Ciidamada Somaliland ayaa iyana weli ku sugan deegaanno u dhow magaalada Yubbe oo dhowaan ay Qabasadeen.

“Deegaanka Gobolka Sanaag wuxuu u Muuqdaa mid isku badalay Deegaan Coladeed, Waxaana sidoo kale Ceerigaabo ku sugan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiil ka tirsan Somaliland, Waxaana Laga Cabsi qabaa inuu Qarxo dagaal xoogan “ Ayuu yidhi Goob-jooge ka Waramay.

SOMALI NEWS

To Top