WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Dagaal xooggaan oo mar kale ka dhex qarxay Beelo wada dega Koonfurta fog ee Gobalka Sool…

Dagaal u dhexeeya Beelo kasoo kala jeeda Mudug iyo Sool ayaa lagu waramayaa inuu maanta dib uga bilowday deegaano Koonfurta kaga beegan Laascaanood.

Dagaalkii hore ee Labada dhinac dhexmaray ayaa gaystay in ka badan 10-Ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac intaa ka badan.

Sidoo kale dagaalka maanta ayaan weli la ogayn Khasaaraha ka dhashay oo warar kala duwan kasoo baxayaan.

Colaadan ayaa ah mid soo noq-noqotay waxayna salka ku haysaa deegaano labada ay ku muransan yihiin.

Waxaase murugo ah in marka ay god galaan dad badan oo maanta nool dib laga heshiin doono.

SOMALI NEWS

To Top