WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Dagaal xoogan oo Maanta ka socda Magaalada Baladweyne

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta dib uga qarxay duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa kale oo taabacsan Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ku sugan duleedka magaaladaasi, kana soo goostay Maamulka Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabelle ay weerar ku qaadeen deegaanka Qowlad oo ay ku sugan yihiin Ciidamada taabacsan sarkaalkaasi oo habeen hore weerar ku qaaday kolonyo uu ka la socday Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana dadka deegaanka ay maqlayaan dhawaqa rasaasta la is dhaafsanayo.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, wuxuuna sidoo kale dagaalku saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

DEG DEG:-Dagaal xoogan oo Maanta ka socda Magaalada Baladweyne
To Top