WARARKA SOOMAALI

Hub farabadan oo lagu qabtay Magaalo ay ka dhaceyso Doorashada Golaha Shacabka

Hawlgalo Ciidamada Amniga Puntland ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo ayey kusoo qab qabteen hub noocyo kala duwan isugu jira isla markaana shalay gelinkii dambe lagu soo bandhigay Xarunta qaybta taliska Booliska Gobolka Mudug ee Puntland.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Mudug Cabdinaasir Maxamed ayaa madashan ka akhriyey go’aanka maxkamadda, isagoo sidoo kalena sheegay in maxkamadu amartay in cidkasta oo lagu arko hub sharci darro ah lagala wareegi doono.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse ayaa ugu dambayn digniin u diray cid kasta oo hub sharci darro ah ku dhex haysata Gobolka iyo dhamaan deeganada Puntland ee hoos yimaada Gobolka Mudug.

Madasha lagu soo bandhigayey hubka ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha haya’addaha amniga, garsoorka iyo maamulka Gobolka ayaa Maxkamada darajada koowaad waxay ay xukuntay in dhamaan hubkaas uu la wareego maamulka Gobolka Mudug.

Hub farabadan oo lagu qabtay Magaalo ay ka dhaceyso Doorashada Golaha Shacabka
To Top