WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Rooble oo Guddi baaris u magacaabay isku daygii ka dhacay Villa Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi baaris u magacaabay dhacdadii 27 December sanadkii 2021 la isku dayay in lagu afgambiyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku magacaabay Guddiga baarista oo ka kooban 5-xubnood oo ka tirsan Xukuumaddiisa, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Xubnaha Guddiga ayaa sidoo kale ku jira Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab iyo Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe oo ah Wasiiru dowlaha Hawlaha Guud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku aadan  dhacdadii 27 December sanadkii 2021 ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Rooble oo Guddi baaris u magacaabay isku daygii ka dhacay Villa Somalia
To Top