WARARKA SOOMAALI

Booliska oo War kasoo saaray Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Muqdisho

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa fiidnimadii xalay ku qarxay wadada soddonka gaar ahaan meel ku dhow Isgoyska baar Ubax ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax gaari oo xalay ka dhacay meel u dhow isgoyska Baar Ubax ee degmada howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir.

Booliska ayaa sheegay in hal ruux uu ku geeriyooday qaraxaas, halka laba ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi si deg deg ah loogula caraay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Taliyaha Saldhiga Booliiska Dagmada Howlwadaag, Najiib Cabdi Abiib Najiib Carab ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko kadibna uu qarxay iyadoo ay ciidamadu ceyrsanayaan.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in wadahii gaariga oo kaliya uu ku naf-waayay qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, iyadoo qaraxa kadib gaariga uu qabsaday dab xoogan.

Booliska oo War kasoo saaray Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Muqdisho
To Top